Madaxwaynaha Dalka Uganda Oo Sheegay In Ciidamadiisa Uu Kala Soo Baxaya Somaliya

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxayo Soomaaliya kadib markii uu soo cusboonaaday khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Wareysi uu siiyay Frace24 oo oo hawada laga sii daayay Khamiista maanta ah ayuu Museveni ku sheegay inuu ka daalay murannada siyaasadeed ee aan dhammaadka lahayn ee ka socda Muqdisho.

Uganda ayaa ka mid ah dalalka ugu badan ee gacan ka geysta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo taageera ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.

Tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya, waxaa uu dalka soo maray marxalado kala duwan iyo dowlad isaga kala dambeeyay xukunka, hasayeeshee asaaskii maxaakiimta iyo dagaalkii dhexmaray iyaga iyo Itoobiya oo dhacay sannadkii 2007-da ayaa waxay beesha caalamka garatay in Soomaaliya la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah, kuwaais oo hadda tiradoodu ay gaareyso 18 kun oo askari.

Xiisadihii siyaasadeed ee ugu dambeeyay ayaa horseeday in si isku mid ah loo kala magacaabo wasaaradda amniga Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka oo halis ku ah inay carqaladeeyaan hawlgallada amniga ee dalka aan xasilloonayn.

Kormeerayaasha caalamiga ah ayaa walaac ka muujiyay in khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble uu dib u dhac ku keeni doono hanaanka doorashada ee socda.

BBC SOMALI

 

Related posts

“Madaxweyne Qoor Qoor Dagaalka Al-shabaab Waxa Uu Ka Doortay Barakicinta Dadkiisa” Ex Wasiir Axmed Macalin Fiqi

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Jabuuti Oo Si Adag U Cambaaraysay Weerar Lagu Qaaday Saldhig Ciidan

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidamada Xooga Dalka Somaliya Oo Dhaqdhaqaayo Cusub Ka Bilaabay Duleedka Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More