Weli waxaa taagan xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya ee ka dhalatay loolanka dhinaca awoodda ee u dhaxeeya madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble.
Magaalada Muqdisho ayaa galabtay ilaa caawa waxaa ka socday kulamo kala duwan oo ku aadan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka taagan, waxaana horumuud ka ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Kulamaddaan ayaa ku saabsan in xal loo helo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo lagu eedeeyay taliska NISA in lagu dhex waayay..
Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday ayaa lagu soo waramaya in uu aqbalay in soo jeedintii Ra’iisul wasaaraha ee aheyd in taliyaha NISA uu noqdo Bashiir Goobe.
Labada dhinac ma jirto wali wax war ah oo ay soo saareen, waxaa lagu waddaa in kulamada ay sii socdaan Saacaddaha soo socda.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com