Borama News Network

Madaxwayne Biden oo madaxda Labada Aqal ee Maraykanka kala hadlaya Kaalmada Israel Iyo Ukraine ay siiso Dowladdiisa

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa kulan gaar ah ku ballansaday afar xubnood ee ugu sarreeya labada Aqal ee Baarlamaanka Dalkaas si uu ugala hadlo kaalmada Washington ay siiso Ukraine & Israel oo dhaqaale ahaan ku badatay Dalkaas.

Sida uu sheegay sarkaal katirsan Aqalka Cad ee Maraykanka oo ka gaabsaday in magaciisa iyo Derajadiisa la adeegsado sabab la xiriirta in uusan fasax u haysan ka xog-warranka arrintaan waxa uu kulankaan muhiim u yahay madaxdaan oo si hoose u eegaysa kaalmada labadaas dhinac.

Kulankaan waxa uu dhacayaa Talaadada berri ah waxaana uu noqonayaa mid si gaar ah indhaha ay ugu wadahayaan Ukraine iyo Israel oo si gaar ah u sugaya qodobkaan maadaama kaalmadaan miiska dooddeedu saaran tahay labadooda ay qaataan.

Afarta mas’uul ee Madaxweyne Joe Biden uu kulankaan ku ballansaday ayaa kala ah:

1-Mike Johnson oo ah Afhayeenka Aqalka hoose ee Kongareeska

2-Chuck Schumer, Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Aqalka Senateka

3- Hakeem Jeffries Hoggaamiyaha mudanayaasha Dimuquraadiga ee Aqalka Hoose

4- Mitch McConnell Hoggaamiyaha Jamhuuriyiinta ee Aqalka Senateka

Aqalka Hoose oo ay ku xooggan yihiin Jamhuuriyiinta ayaa cadaadis badan kala kulmaya sidii uu u meel-marin lahaa lacag dhan 95 Bilyan oo Doollar oo lagu bixinayo Ukraine, Israel iyo arrimo kale oo hortabin u leh amniga Qaranka Maraykanka sida uu ku doodayo Madaxweyne Joe Biden.

Related posts

Qarax Lagu Soo Xidhay gaari-dameer Oo Ka Dhacay Xudduudka Kenya Iyo Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

” Waa inaan Curino Xeerkii Golaha Guurtida Lagu Dooran Lahaa” Xildhibaan Cabdinaasir Qodax.

Abdiaziz Bnnstaff

Murasshax Cabdiraxaan Ciro Oo Si Adag Uga Hadlay Arimaha Doorashooyinka Iyo Heshiiskii Somaliland Iyo Itoobiya

Abdiaziz Bnnstaff