Shirkii ugu waqtiga dheeraa ee ay yeesheen Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa galay Weji Cusub, iyadoo goor sii horeysay guddi labada dhinac ka kala socdo loo saaray inay ka soo doodaan qodobada la isku hayay.
Shirku waa socdaa wali, waxaa guud ahaan la isla fahmay in amniga guud ee dalka uu ka masuul yahay Madaxwanaha JF Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha JFS uu masuul ka yahay arimaha doorashooyinka iyo amnigeeda.
Hadda waxaa loo gudbay sidii loo xallin lahaa khilaafaadkii iyo madmadowgii soo kala dhexgalay labada dhinac, kuwaas oo u badan arimo la xidhiidha sharciga iyo dastuurka. Waxaa loo saaray Guddi farsamo oo ka kooban Madaxwayanayaasha Qoor qoor iyo laftagareen, wasiiro iyo xildhibaanno. Waxaa laga wada hadlayaa sidii loo xallin lahaa kala aragti duwanaanta taaagan.
Arrintan farsamadu waa qodobka ugu xaasaasisan shirkan u socda hogaamiyayaasha dalka, haddii la isku fahmi waayo waxaa suura gal ah in shirka lagu kala tago.
Sidoo kale ilo wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in haatan Madaxda ay ka shirayan kiiska Ikraan Tahliil iyo cida ay tahay in loo daayo, hasa ahaatee waxaa isfaham laga gaaray qodobadii kale ee la isku haye.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com