Raysal Wasaare Loo Haysto Dilka Madaxwaynihiisii Iyo Dacwada Lagu Soo Oogay

Dacwad oogaha guud ee Haiti ayaa ku casuumay ra’iisul wasaare Ariel Henry si uu ugu sharaxo xiriirka uu la leeyahay qofka ugu weyn ee looga shakisan yahay dilka madaxweyne Jovenel Moise.

Madaxweyne Moise ayaa la dilay ka dib markii dabley hubaysan ay gurigiisa ku weerareen 7d-ii bishii Luulyo.

Dacwad -ooge Bedford Claude ayaa sheegay in Mr Henry uu wicitaanno badan oo dhanka taleefoonka ah la yeeshay eedeysane Joseph Felix Badio saacado uun kaddib dilka madaxweynaha.

Mr Claude ayaa sheegay in Mr Henry “lagu casuumay” inuu ka soo qeybgalo dhageysiga , maadaama uusan awood u lahayn inuu si rasmi ah ugu yeero.

Dacwad -oogayaasha ayaa sheegay in diiwaanno laga helay shirkadda telefoonka ee Digicel ay xaqiijiyeen in Mr Badio iyo Mr Henry ay laba jeer hadleen 7dii Luulyo saacado uun kaddib dilkii Madaxweyne Moise.

Xogta deegaanka ayaa sidoo kale muujisay in Mr Badio, oo aan hadda la ogeyn halka uu ku sugan yahay, uu ka hadlaayay goobta uu fal dambiyeedka ka dhacay.

Warqad uu u diray ra’iisul wasaaraha, Mr Claude wuxuu ku nuuxnuuxsaday in casuumaaddiisa ay tahay mid ikhtiyaari ah, laakiin wuxuu sheegay inay xaq tahay marka la eego waxa uu ugu yeeray “xaalad aad u culus oo qaranka quseeysa”.

Dhageysiga Maxkamadda Darajada Koowaad ee Port-au-Prince ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta Talaadada.

Baarayaasha ayaa la sheegay inay ku eedeeyeen in Mr Badio, oo ahaa sarkaal hore uga tirsanaa Wasaaradda Caddaaladda, laga yaabo inuu ku lug lahaa isku dubaridka dilka. Si cad ugama uusan hadlin sheegashooyinkan.

Mr Henry ayaa horay ugu sheegay warbaahinta maxaliga ah in uu yaqaan Mr Badio uuna difaacay isaga oo intaa ku daray in uusan rumeysneyn in Badio uu ku lug lahaa sababta oo ah ma uusan haysan awooddaasi.

Afhayeen u hadlay xafiiska Mr Henry ayaa u sheegay wakaaladda warraka ee Associated Press inuusan ka hadli doonin casuumaadda.

Casuumadda Mr Henry ayaa imaanaysa iyadoo mas’uuliyiintu ay sii laba jibaarayaan dadaalkooda ku aaddan soo qabashada tuhmanayaasha dheeraadka ah ee dilka madaxweynaha.

Boolisku waxay sheegeen in hadda ay jiraan 44 qof oo loo haysto qorshaha dilka, oo ay ku jiraan 18 xubnood oo hawlgab ka ahaa milatariga Colombia.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowalada Somaliya Oo Si Kulul Uga Hadashay Weerarkii Israa’iil Ku Qaaday Masjidka Al-Aqsa

Bnnstaff Bnnstaff

Saamayn Xoogan Oo Ka Dhalatay Roobab Waawayn Oo Ka Da’ay Magaalada Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Haayada Caafimaadka Aduunka Oo Shaacisay Xilliga Ay Soomaaliya Heli Doonto Tallaalka COVID-19

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More