Madaxwayne Deni Oo Kala Diray Golihii Degaanka Ee Qardho Maamulna Cusubna Magacaabay

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 12ka September 2021, kuna saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qardho iyo Magacaabid Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Degmada Qardho.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Maamulka Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garawsaday: In ay dhamaatay muddo xileedka Golaha Deegaanka Degmada Qardho

Markuu tixgeliyey: Aqoontooda, kartididooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala direy Golaha Deegaanka Degmada Qardho

2. Waxaa Maxamed Faarax Abdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qardho.

3. Waxaa Maxamuud Maxamed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Qardho.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Maanta Shacabka Caasimada Hargaysa War Farxad Leh Ayaan u Wadaa ” Xildhibaan Guruuje

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Xoogga Dalka Somaliya Oo Howlgal Ku Qabtay Saraakiil katirsan Al-Shabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Puntland Oo Shuruud Ku Xidhay Siidaynta Rag Loo Haysto Budhcad Badeednimo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More