Raysal Wasaare Oo Kulan La Qaatay Haayadaha Maaliyada Ee Dalka Somaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ka duulaya waajibaadkiisa korjoogeynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda ayaa kulan la yeeshay hay’adaha maaliyadda dalka sida Wasaaradda Maaliyadda,Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud.

Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta.

Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya qoraal uu soo saaray uu ku amray in khasnadda dowladda aan wax lacag ah kaga bixin karin.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Gobolka Alberta Ee Dalka Canada Oo Looga Dhawaaqay Xaalad Deg Deg Ah

Wasiir Reer Lubnaan Ah Oo Xilkii Ku Waayay Dhaleecayn Uu U Jeediyay Dalalka Khaliijka

Bnnstaff Bnnstaff

Borama Oo Maanta Laga Daahfuray Barnaamijka Naqshadaynta Borama (Borama Mastar Plan)

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More