Shiinaha Oo Lagu Wado In Uu Xidhiidh La Yeesho Taaliban Iyo Faa’idada Ugu Jirta

Dalka ugu dhow inuu xiriir dhinac walba ah la yeesho Taliban waa Shiinaha, balse maxay yihiin faa’iidooyinka uu ka heli karo?

Beijing wax ceeb ah kuma dareemeyso inay gacan saar la sameysato kooxda islaamiga ah ee la wareegtay awoodda dalka Afghanistan, sida uu maqaalkan ku sheegay tifaftiraha BBC-da ee arrimaha dibadda, John Simpson.

Xilli ay dad badan oo u dhashay Afghanistan isku dayayaan inay ka cararaan dalkooda, dhaqaalaha waddanka ayaa qarka u saaran in uu gebi ahaanba burburo.

Arrintaas waxay horay u dhacday markii ay Taliban xukunka haysteen intii u dhaxeysay 1996-kii ilaa 2001-dii.

Sidaas awgeed Shiinaha ayaa tallaabo u qaadi kara inuu badbaadiyo mustaqbalka dhaqaale ee Afghanistan, garabkiisana waxaa u baahan Taliban oo aan meel kale ku ogeyn taageero soo dhow.

Shiinaha waxa uu markaas saameyn aad u ballaaran ku yeelanayaa maamulka iyo siyaasadda Taliban, saddex arrimood ayuuna eegi karaa si uu uga badbaadiyo burburka dhaqaale.

1- Faa”iido dhaqaale
Tobannaankii sano ee lasoo dhaafay Shiinaha waxa uu kordhinayay xulafadiisa dhinaca dhaqaalaha si uu ugu guuleysto tartanka uu kula jiro dalalka reer galbeedka ee uu ugu horreeyo Mareykanka.
Meelaha uu guusha gaaray waxaa ka mid ah qaaradda Afrika oo uu dalal badan ku sameystay maalgelin dhaqaale, taasoo uu ka faa’iidayo dhankiisana.

Waxaa loo arkaa in Afghanistan uu ku xulan karo sabab la mid ah middaas, si uu uga darsado liiska dalalka saaxiibka kula ah dhinaca ganacsiga.

2- Muslimiinta Uighur
Waddamo uu ka mid yahay Turkiga iyo ururro badan oo islaamiyiin ah waxay Shiinaha marar badan isku qabteen sida uu ula dhaqmo bulshada muslimiinta ah ee ku nool dalkaas ee lagu magacaabo Uighur.

Waxaa Beijing lagu eedeeyaa in ay gacan bir ah ku wajahdo qowmiyaddaas, ayna u sameysay xerooyin xabsi ahaan looga dhigo dadka laga qabqabto.
Haddii Shiinaha uu gacan u fidiyo Afghanistan waxaa suuragal ah in Taliban uusan kala kulmin ceeb, wax su’aal ahna aysan ka keenin arrinta muslimiinta Uighur ee mar walba looga hadlo dalalka muslimiinta.

3- Ku lug lahaanshaha maamulka Afghanistan
Guushii ay Taliban ka gaareen Afghanistan iyo maamulka kusoo noqday gacantooda waxa uu musiibo ku yahay Mareykanka, Britain, Jarmalka, Faransiiska iyo dalal kale oo Afghanistan dhinaca amniga ka caawinayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Arrintan waxa ay sidoo kale meesha ka saartay galaangalkii ay Mareykanka iyo reer galbeedka ku lahaayeen maamulka Afghanistan, oo ah waddan ay dhowr jeer kasoo ifbaxeen ururro xagjir ah.

Balse Shiinaha ayaa si toos ah u heli kara fursaddaas haddii uu heshiis la galo Taliban, waxaana u suuragali karta inuu saameyn ku yeesho siyaasaddooda maxalliga ah.

Sidoo kale Shiinaha ayaa ka faa’iideysanaya boos ay banneysay Hindiya oo la og yahay inay cadaawad kala dhaxeyso Beijing.
Delhi ayaa lacago badan ku bixineysay dhaqaalaha Afghanistan, iyadoo sidoo kalena ku taageereysay khibrad dhinac kasta ah, inkastoo hadda ay waxaasoo dhan meesha ka baxeen.

Markii uu ururka Taliban dib u qabsaday xukunka Afghanistan, hoos u dhaca dhaqaale ee waddanka waxa uu noqday mid kasii daray, ilaa heer uu ka gaaray sidii uu ahaa 2001-dii. Xilligaas waxaa jirtay in la waayo lacag lagu iibsado shidaal, taasoo sababtay in gawaarida badankood ay shaqada ka fariistaan.

Waddooyinka ayaa mugdi ahaa xilliga habeenkii, maadaama aysan jirin nalal iftiiminaya, inta badan shacabkuna waxay ku nagaanayeen guryahooda, iyagoo ka cabsi qabay in ay dhibaato kala kulmaan maleyshiyaadka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Kenya Oo Dad Shacab Ah Ku Laysay Gedo Iyo Shacabka Oo Baaq Udiray Dowlada Fadaraalka Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Buhoodle: Ciidan Iyo Gaadiid Ka Soo Goostay Maamulka Puntland Oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Militaryga Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyay Ajandaha Kal Fadhigii Lixaad Ee Golahaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More