Hoggaamiyaha Kooxdii Qarxisay Masaajidka Daarul Faaruuq Ee Minnesota Oo La Xukumay

Hoggaamiyaha maleeshiyadii weerarkii qaraxa ahaa kusoo qaaday Masaajidka Darauf Faaruuq ee magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota oo la yiraahdo Emily Haris ayaa lagu xukumay 53 sanadood oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay dhammaan dambiyadii lagu soo eedeeyay.

Dacwad-oogeyaasha ayaa ku rajo weynaa in Emily Haris, oo magaciisa afgarashada uu ahaa Micheal Haris in lagu xukumo xabsi daa’in, maadama uu hoggaaminayay kooxda weerarka ku soo qaaday masaajidka Daarul Faaruuq.

“Waa Illahey Mahadi in maanta la xukumay raggii ku soo duulay oo qarxiyay Masaajidka Daarul-Faaruuq, waa guul u soo hoyatay Muslimiinta Minnesota” ayuu yiri Imaam Maxamed Maxamuud Maxamed Carab oo ah Mamaulaha Masaajidka.

Andres Folk oo ah ku-simaha xeer-ilaaliyaha maxkamadda heer Federaal ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in dhammaan dadkii ay wareysteen ay isku raaceen xanuunka iyo niyad jabka weerarkan oo ahaa mid “islaam naceyk ahaa”.

Garsooraha maxakamadda Federaalka Donovan Frank oo ku dhawaaqay xukunka Haris oo 50 -jir ah ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid argagixiso ah.

Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo hoggaamiyehaasha Muslimiinta Minnesota ayaa soo dhaweeyay xukunkii shalay oo baritaankiisu socday sadex sano iyo bar.

Masaajidkaa Daarul Faaruuq ayaa la weeraray bishii August ee sanadkii 2017.

Xafiiska Wararka BoramaNews.

BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Deni Oo Maamul Ku Meel Gaadh Ah U Magacaabay Maamulka Magaalada Boosaaso

Bnnstaff Bnnstaff

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Dagaal Salka Ku Haya Muran Dhuleed Oo Ka Dhacay Gaalkacyo

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Ciro Oo Maanta Ka Qayb Galay Munaasibad Lagu Shaacinayay Murashaxiinta Xisbiga Wadani

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More