Gabdho Somali Ah Oo Lagu Laayay Dalka Austria Iyo Tiradood Oo La Shaaciyay

Magaalada Vienna ee dalka Austria gaar ahaan Xaafad ay ku badan yihiin Soomaalida ayaa waxaa laga helay Maydka laba gabadhood oo Soomaali ah, kuwaas oo sida la sheegay la dilay.

Gabdhaha oo Magacyadooda lagu kala sheegay Shukri Axmed Abtidoon iyo Faaduma Maxamed Xirsi ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen Soomaali, isla markaana dilkooda uu ka dambeeyay Wiil Soomaali ah oo qabay mid kamid ah Gabdhaha.

Ciidamada Booliska Austria ayaa tegay Goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo xiray Wiilka Soomaalida ah ee lagu tuhmayo dilka, kaas oo la sheegay in uu u adeegsaday mindi ama tooreey dilkooda.

Ehellada Gabdhaha la dilay ayaa Booliska ka codsaday in baaritaan lagu sameeyo dilka, isla markaana Maxkamad la horgeeyo qof kasta oo lagu helo dilka Gabdhahooda,.waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Ninka falka geystay uu isticmaalay Maandooriyaha khamriga.

Dalka Austria ayaa waxaa dhowr jeer oo hore siyaabo kala duwan loogu dilay muwaadiniin Soomaali ah, waxaana dilalkaas badankood la sheegay inay geysteen Soomaali kale.

Xafiiska Wararka BoramNews
BoramaNews.com

Related posts

Mareykanka Oo Soomaaliya Ka Taageeraya Gurmadka Loo Fidinayo Dadka Abaaruhu Saameeyeen

Bnnstaff Bnnstaff

lacagta Maanta La Shubay Waa Tii Madaarka Hargeysa Iyo Mashruucii Xumbo Wayne’ Ururada siyaasada

Bnnstaff Bnnstaff

Hoggaamiye Ka Tirsan Daacish Oo La Dilay Iyo Askar Maraykan Oo La Dhaawacay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More