Maraykanka Oo Sheegay In Khatar Ugu Iaan Karto Dalal Ay Ka Mid Tahay Somalia

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Maraykanka Avril Hanes ayaa hadalkaasi ka sheegtay Shirka sanadlaha ee Amniga iyo Sirdoonka ee 2021 oo lagu qabtay magaalladda Washington DC.

Kulankaasi waxaa isku soo duway Ururka Isgaarsiinta iyo Elektroonikada ee Ciiddanka Hubeysan iyo Isbahaysiga Sirdoonka iyo Amniga Qaranka dalka Mareykanka.

Agaasimaha Sirdoonka Qaranka Maraykanka, Avril Hanes oo Shirka kaga qeyb gashay Aaladda Fogaan Araga ayaa waxaa ay tiri: “Cabsida ugu sareysa ee Argagixisada ee Xilliga ma aha dalka Afganistan, balse waxaan aad u arkaa inay Khatarta ka soo fool leedahay dalalka Somalia, Yemen, Syria, Iraq iyo Kooxda Daacish, waa sida ay hadalka u dhigtay.

Waxay sii raacisay Cabsida Koowaad ee Argagixisada ma aha Afganistan ee waxa ay Hay’addaha Ammaanka iyo Sirdoonka si gaar ah indhaha ugu hayaan khataraha Argagixisada ee Maraykanka uga imaan kara dhowrka dal ay farta ku fiiqday ee kala ah Somalia, Yemen, Syria, Iraq iyo Kooxda Daacish ee ISIS.

Dowladda Maraykanka waxay horey u sheegtay in Kooxda Daacish-ta Afganistan ee ISIS-K tahay Khatarta weyn ee ay ugaarsan doonaan, kadib, markii ay weerar Is-qarxin ah bishii hore August 26-dii la geysteen Garoonka Diyaaradaha Hamid Karazai International Airport ee ku yaalla Caasimada dalka Afganistan ee Kabul, iyadoo weerarkaasi lagu dilay 170 qof oo ay 13 ka mid Askar Maraykan ahaayeen.

Xafiiska Wararka BoramNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwaynaha Waxaanu Uga Dignay inaanu Sharciga ka Baydhin Mucaaradkana” Cabdilaahi Dahab

Mustafehaji

Waa Imisa Saacadaha Ugu Yar Iyo Kuwa Ugu Dheer Ee Bisha Ramadaan Laga Soomaya Dalalka Caalamka

Bnnstaff Bnnstaff

Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Xukun Ku Riday Rag Ajnabi Ah Iyo Waxyaabaha Lagu Soo Eedeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More