Qiimaha Shidaalka Ee Gudaha Dalka Kenya Oo Cirka Isku Shareeray Iyo Bulshada Oo Walaac Ka Muujisay

Qiimaha batroolka ayaa noqday kii ugu qaalisanaa ee abid ka dhaca Kenya, taasoo dhalisay walaac ka yimid macaamiishii, kadib ku dhawaaqistii qiimaha ee hey’adda jaangoynta qiimaha Tamarta ee Kenya ee Epra.

Meelaha saameynta ugu ba’an uu ku yeeshay qiimaha sare-kacey ee shidaalka, ayaa waxaa kamid ah magaalada Wajeer, oo halkii liitar oo Baasiin ah uu haatan marayo ku dhawaad hal doolar iyo bar.

Qaar kamid ah dadka magaalada Wajeer oo la Hadley BBC-da, ayaa sheegay in sara kaca qiimaha shidaalka uu ugga sii darayo, nolosha oo markoodii horaba ay dadku la daalaa dhacayeen.

Dadka ka faalooda dhaqaalaha, ayaa u aaneynaya sare u kaca sicirka shidaalka canshuurta dowladda, ee xad dhaafka ah, taasoo lagu soo rogey shidaalka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Museveni Oo Lagu Eedeyay Inuu Xasuuq U Adeegsaday Ciidamo Laga Qaaday Somalia

Bnnstaff Bnnstaff

Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbig Wadani Iyo Shacabka Magaalada Borama Oo Ka Dareen Ciyaya Doorashadii Maayirka Borama

Bnnstaff Bnnstaff

Masaajid Lagu Burburiyey Gudaha Kenya Iyo Xildhibaan Si Kulul Uga Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More