Deg Deg:- Dowlada Jabuuti Oo Shaacisay Sobobta Ay U Xanibtay Fahad Yasiin

Ilo-wareedyo ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya oo diiday in magacooda la sheego ayaa idaacadda VOA u sheegay in laamaha amniga Soomalaiya ay amreen in Fahad Yaasiin aysan diyaaraduhu keeni karin Muqdishu, waxayna ku eedeeyen inuu Muqdishu ka waday abaabul ciidan iyo inuu khalkhal geliyo garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.

Dhinaca kalena, Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Jabuuti ayaa VOA u sheegay in Fahad Yaasiin oo ay la socdaan ilaa 40 qof, diyaaradda Turkish Airlines, iyagoo ku sii jeeday Muqdishu, hase yeeshee ay diyaaraddu heshay amar ah inaysan rakaabkaasi iman karin Muqdishu.

Sarkaal ka tirsan Jabuuti oo diiday in magaciisa la sheego sababtoo ah looma oggola inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay in haddii Fahad iyo wafdiga la socda aysan u safri karin Muqdishu ay ku celin doonaan halkii uu asal ahaan safarkiisu kasoo bilowdya oo ah magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Xigasho:VOA

 

 

Related posts

Casho Sharaf Lagu Maamuusay Xulka Awdal Ee Ku Guulaystay Tartanka Somaliland Ee Dadka Baahiyaha Gaarka Ah Qaba.

Mustafehaji

Xiisadda Ka Dhex Oogan Madaxwayne Deni Iyo Ku Xigeenkiisa Axmed Karaash Oo Sii Xoogeysatay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Golaha Wasiirada Oo La Tukaday Shacabka Magaalada Hargeysa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More