Maraykanka Oo Qirtay In Uu Dad Shacab Ah Ku Laayay Caasimada Afghaganistan Ee Kapul

Mareykanka ayaa haatan qirtay in duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacday magaalada Kaabuul ee dalka Afqaanistaan maalmo uun ka hor inta aysan ciidamadiisu ka bixin dalkaasi ay ku dhinteen 10 qof oo aan waxba galabsan, sida uu CBS News u sheegay sarkaal Mareykan ah.

Baaritaan ayaa lagu ogaaday in duqeyntaasi oo dhacday 29 -kii Ogosto lagu dilay shaqaale samafal oo aan waxba galabsan iyo sagaal xubnood oo qoyskiisa ka tirsan, kuwaa oo ay ku jiraan toddoba carruur ah.

Cannuga ugu da’da yar ayaa la sheegayaa in uu jiray laba sano oo kaliya.

Sirdoonka Mareykanka ayaa muddo siddeed saacadood ah ku raad joogay gaariga uu watay ninkaasi, iyagoo rumeysnaa in uu xiriir la lahaa kooxda la baxday dowladda Islaamka ee gobolka Khorasan.

Duqeyntaasi ayaa ahayd falkii ugu dambeysay ee ciidamada Mareykanka ay ka fuliyaan gudaha dalka Afqaanistaan, ka hor inta aysan soo afjarin howlgalkooga milatari ee ay ka wadeen gudaha dalkaasi muddo 20 sano ah.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ruushka Oo Duqeymihii Ugu Cuslaa Ka Fuliyay Ukraine Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

“Muuse Ha Fuliyo Wixii Uu u Balan Qaaday Safiiradda Beesha Caalamka” Musharrax Cirro

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Iyo Lafta Gareen Oo Kulan Wada Qaatay Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More