Faransiiska ayaa qaaday tallaabo aan horey loo arag oo ah in uu u yeertay danjireyaashii u fadhiyay waddamada Australia iyo Mareykanka, xilli uu socdo muranka sii xoogeysanayo ee ka dhashay heshiiskii dalkaasi uu gujis kaga iibinayay Australia oo la hakiyay iyo dalkaasi Australia oo heshiis cusub oo dhanka amniga ah la galay dalalka Britain iyo Mareykanka.
Heshiiska saddexdani waddan ee Autsralia, Britain iyo Mareykanka ayaa lagu dhawaaqay arbacadii dhaweyd. Mareykanka iyo Australia ayaa labaduba sheegay in ay ka xun yihiin go’aanka ay qaadatay xukuumadda Paris.
Balse tallaabadan ayaa ka careysiisay Faransiiska, oo sheegay in “dhabarka laga toogtay”, halka Shiinaha ay saddexdan dal ku eedeysay inay wadaan “Dagaal Qabow”.
Heshiiskan ayaana sare u qaaday cabsida ah inuu sababi karo dagaal lala galo Shiinaha.
Isbahaysigan, oo loo yaqaanno Aukus, ayaa waxaa Arbacadii ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson iyo dhiggooda Australia Scott Morrison.
Inkastoo aysan soo hadal qaadin Shiinaha, haddana Aukus ayaa loo arkaa dadaal lagula loollamayo saameynta Beijing ee Badda Koofurta Shiinaha.
Johnson ayaa mar dambe xildhibaannada u sheegay in heshiiska “aanan loola dan lahayn in la isugu tago” Shiinaha.
Balse Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa su’aal weydiisay Theresa May oo xilkaas kaga horreysay, taas oo ku saabsaneyd in heshiisku uu Britain ku hoggaamin karo dagaal lala galo Shiinaha.
Waxay Ra’iisul Wasaaraha weydiisay “cawaaqib xumada” ka dhalan karto isbahaysiga iyadoo Shiinuhu uu heysto Taiwan.
Johnson ayaa ku jawaabay: “UK waxaa ka go’an difaaca shuruucda caalamiga ah taasina waa talada ugu awoodda badan ee aan siin lahayn saaxiibbadeen caalamka, waana talada ugu awoodda badan ee aan siin lahayn dowladda Beijing.”
Taiwan ayaa isku heysata dal madax bannaan, balse Beijing ayaa kordhisay cadaadiska ay saarto jasiiraddaas oo ay u aragto ismaamul gobol oo dalkeeda ka tirsan.
Dhanka kale Washington ayaa isku dayday soo afjaridda carada Paris ee hesiiska, oo ay ku kacayso malaayiin doollar.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa arrintaasi ku tilmaamay “dhabar toogasho”.
Wuxuu ku tilmaamay “go’aan xaasidnimo leh, si keli ah loo qaatay oo aan la saadaalin karin” kaas oo soo xusuusiyay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.
Diblomaasiyiinta Faransiiska ee Washington ayaa aargoosi ahaan u baajiyay xaflad loogu dabaal degi lahaa xiriirka Mareykanka iyo Faransiiska.
“Waa xilli aad u hooseeya,” ayuu yiri safiirkii hore ee Faransiiska u fadhiyay Mareykanka, Gérard Araud. “Mareykanka wuu ogaa in qandaraaskan iyo qandaraaskan istaraatiijiyadeed ay muhiim u yihiin danaha Faransiiska, Mareykankuna dan kama gelin.”
Xoghayaha arrimaha gudaha Mareykanka Antony Blinken ayaa Faransiiska ku tilmaamay “saaxiib muhiim ah” wuxuuna sheegay in Washington ay weli “si dhow” ula shaqeyn doonto Paris.
Xoghayaha Warbaahinta ee Aqalka Cad Jen Psaki ayaa meesha ka saartay tabashada Faransiiska.
“Waxaa jira dhowr iskaashi oo uu Faransiisku ku jiro iyo kuwo uusan ku jirin, waxayna iyaguba iskaashiyo la leeyihiin dalal kale oo aynaan annagu ku jirin,” ayay tiri. “Taasina waxay qeyb ka tahay sida ay u shaqeyso diblomaasiyadda caalamka.”