Shirkii Uu Ku Baaqay Madaxwayne Farmaajo Oo Maanta Lagu Soo Bandhigaayo Xogta Ikran Tahliil

Waxaa lagu waddaa in manta magaalada Muqdisho uu ka dhaco shirka Amniga qaranka ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo lagu soo bandhigi doono xog ku saabsan waayitaanka Ikraan.

Inkastoo guddiga Amniga qaranka uu yahay mid kala dhantaalan haddana waxaa lagu waddaa in yaraan xogtii uu ballanqaaday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir in maanta lasoo bandhigo lana shaaciyo waxyaabaha keenay Kiiska Ikaraan.

Taliyihii hore ee NISA ayaa maanta soo gaaraya Muqdisho, maadaama shalay laga celiyay dalka Jabuuti oo xalay hadana uu kasoo duulay magaalada Istanbuul sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

NISA ayaa horay u sheegtay in Ikraan Tahlil Faarax ay dileen Ururka Al-Shabaab ka dib markii ay afduubteen , warkaas waxaa si weyn uga soo horjeestay Ehelada Ikraan iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Shiinaha Oo Ku Baaqdau In Somaliya Laga Taageero Adkaynta Amaanka

Bnnstaff Bnnstaff

Ganacsato Somaliyeed Oo Nolol Iyo Geeriba Lagu La’yahay Dalka Koonfur Africa

Bnnstaff Bnnstaff

Xiisada U Dhaxaysa Dalalka Sudan Iyo Itoobiya Oo Cirka Isku Shareertay Iyo Itoobiya Ka Hadashay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More