Maxay Ka Dhigantahay Imaanshiyaha Fahad Yasiin Ee Magaalada Muqdisho

Fahad oo lagu waday inuu shalay ku soo laabta magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa tan iyo markii uu billowday qalalaasha siyaasadeed ee u dhexeeyay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Rooble ee sababay inuu ku waaya xilkiisa agaasimaha hay’adda NISA ayaa diyaaraddii uu saarnaa waxaa dib loogu celiyay dalka Turkiga.

“Imaanshaha (Fahad) waa mid xoogaa lagu kala qeybsan yahay, sidaas darteed haddii uu ku laabto Mudqisho, taasi waxay wax weyn u tahay madaxweyne Farmaajo waxayna walaac ku tahay dhanka Rooble”, ayuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay ,” Maxamuud Cumar, oo ah falanqeeye Soomaaliyeed oo ka tirsan Hay’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha oo fadhigeedu yahay magaalada Brussels.

Madaxweyne Farmaajo xiriir fiican lama laha dowladda Jabuuti, kaddib markii uu xiriir la yeeshay Eritrea iyo Itoobiya, Jabuutina dareensiiyay go’doon, ayuu yiri Cumar. “Jabuuti kuma aysan faraxsaneyn dowladda.

Dhanka kale waxaa maanta lagu wadaa inay kulan isugu yimaadaan Guddiga amniga qaranka, kuwaas oo uu horraantii bishan uu isugu yeedhy Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si Guddiga looga horjeediyo warbixinta laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Shirkan ayaa ku soo begmaya xili khilaaf uu u dhaxeeyo madaxda ugu sareysa dalka. Haddaba maxay yihiin shuruudaha qabsoomidda shirkaasi? suurtagal se ma tahay inuu dhaco kulankaasi? arrimahaas ayaa waxaan ka wareysannay Xussein macalin Maxamuud oo ah lataliyihii hore ee amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynihii ka horeeyay ee Xassan Sheekh Maxamuud ahna Madaxa machadka Hiraal.

 

Related posts

Gudiga Doorashada Somaliya Oo Doortay Gudoomiye Ku Meel Gaadh Ah Waase Kuma Gudoomiyahaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Caalamka Oo Shaacisay In Ayna Taageeri Doonin Doorasho Hal Dhinac Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Taliban Oo Haweenka Ka Mamnuucday in Ay Diiyaaradaha Kaligood Raacaaan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More