Madaxwayne Muuse Biixi Oo Magacaabis Sameeyay Iyo Cida Uu Magacaabay

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-715/092021 ku Magacaabay Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobkiisa 90aad;

Markaan Arkay: Xeerka Hay’adda Caymiska Qaranka, Xeer Lr. 92/2020, Qodobkiisa 9aad;

Markaan Arkay: Muhiimadda Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranku u Leedahay Dhismaha Hay’adda Caymiska;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Guddida Hoggaaminta Siyaasadda Hay’adda Caymiska Qaranka u magacaabo masuuliyiinta hoos ku xusan:

1. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire – Guddoomiye.

2. Guddoomiyaha Baanka Dhexe Cali Cabdillaahi Daahir – Xubin.

3. Guddoomiyaha Hay’adda Caymiska Saleebaan Cawad Cali Bukhaari – Xubin.

4. Ururka Qareennada Somaliland Abuubakar Sh. Maxamud Cabdi – Xubin.

5. Dalladda Shirkadaha Caymiska Maxamuud Nuur Ducaale – Xubin.

6. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jamaal Caydiid Ibraahim – Xubin.

7. Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Cabdiraxmaan Maxamed Cali – Xubin

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Midowga Musharaxiinta Oo Ku Dhawaaqay Labo Talaabo Oo Ay Qaadayaan Iyo Nuucyada Ay Yihiin Talaabooyinkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Ololaha Xiskiga Kulmiye Kaga Qayb Galay Magaalada Hargeysa Iyo Uqudbad Uu Jeediyay

Bnnstaff Bnnstaff

Golaha Wasiirada Somaliland Oo Isku Raacay In La Xoojiyo Amaanka Guud Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More