Madaxwayne Mustafe Cagjar Oo Beeniyay Warar Laga Faafiyay Shidaalka Laga Qodayo Qorraxeey

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Galbeed Mustafe Muxumed Cumar, ayaa beeniyay in shidaalka laga qodayo qeybo ka mid ah gobolka Qorraxeey ay ka dhasheen cudurro aan horey loo arag oo saameyn ku yeeshe shacabka halkaasi deggan.

Mustafe Cagjar oo haatan booqasho ku maraya qaar ka mid ah degmooyinka gobolkaasi ayaa sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay in baaritaan lagu sameeyo cabashada shacabka ee deegaannada ee la xiriirta shidaal qodistu ay ka socoto.

Shacabka degmooyinka gobolkaasi ee shidaal qodista ay ka socoto ayaa dhowaanahan ka cabanayay cuduro aan horay loo arag oo ay u sababeynayaan shidaalka.

“Dhibaatooyinka shacabka ay sheegayeen muddo ayey soo taagnaayeen. Waxaa soo baxay cudurro aaggan lagu aqoonin.”

Mustafe Cumar wuxuu sheegay in haddii ay soo ifbaxdo dhibaatadan caafimaad darro ay xukuumadda diyaar u tahay sidii looga hortaggi lahaa.

“Haddii ay soo baxdo in wax ka duwan waxa dadka ay sheegayaan oo ah inay dillaacaan cudurro aan aaggan lagu aqoonin; xukuumadda diyaar bey u tahay in ilaa heer caalami ay la kaashato sidii loo xallin lahaa,” ayuu yiri Mustafe.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xildhibaan Axmed Yaasiin Oo Ka Hadlay Safarka Madaxwayne Muuse Biixi Ku Imanayo Borama Baaqna Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Dhaliilo Culus U Jeediyay Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Farmaajo

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Oo Shir Gudoomiyay Shir Lagaga Hadlayay Dhaqaalaha Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More