Muxuu Yahay Qaraxa Kale Ee Wadnaha Jaray Dadka Reer Bayruut?

Booyad shidaal wadday ayaa waxa ay ku qaraxday goob aad u dad badan oo ku taal caasimadda waddanka Lubnaan ee Bayruut, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, halka ugu yaraan soddon kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa dhacay kaddib markii booyadda uu dab ku qabsaday degmada Tariq-al-Jdide. Muuqaal ayaa muujinaya holac ka soo baxaya dhismayaal ku yaal waddooyinka ciriiriga ah ee xaafaddaasi.

Illaa hadda lama sheegin waxa sababay dabkaasi guryaha qabsaday, hasayeeshee waxaa soconaya dedaallada samatabixinta.

Qaraxa ayaa waxa uu walaac iyo cabsi ku abuuray dadka magaalada maadaama aanay weli xusuustooda ka go’in qaraxii waynaa ee dilay 203 qof ee bishii Agoosto ka dhacay dekadda magaaladaasi.
Dabka iyo qaraxan ugu dambeeyay ayaa sidoo kale imanaya xilli dhibaato dhaqaale oo baahsan iyo cudurka safmarka ah ee Covid-19 ay sii huriyeen dhibaatada dalkaas Lubnaan ka taagan.

Jimcihii ayaa kooxaha dab-damiska waxa ay adeegsadeen jaranjarooyin si ay dadka uga soo badbaadiyaan dhismooyinka uu dabku qabsaday, kuwaas oo ay dadku kaga soo saarayeen balakoonka guryahooda.

“Dhawaqa iyo guriyaga oo gariiraya ayaa walaac wayn nagu abuuray, iyadoo dhammaan dadka ku nool wadada aan degannahay ay bilaabeen inay qayliyaan oo ay ooyaan. Xusuus ayaan galay,” ayey haweeney ku soo qortay barteeda Twitter-ka.
Lubnaan waxa ay la daalaa dhacaysaa sidii ay uga soo kabsan laheyd waxyeellada qaraxii Agoosto kaas oo ay khubaradu sheegayaan inuu ahaa mid ka mid ah qaraxyadii ugu waynaa ee aan nukliyeer ahayn ee dhaca inta taariikhda la ogyaha

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Arintaydu Kuma Koobno Uun Kaambayn” Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Solteeko

Bnnstaff Bnnstaff

Vladimir Putin: “Mareykanka Ayaa Ka Dambeeya Qalalaasaha Ka Taagan Bariga Dhexe”.

Bnnstaff Bnnstaff

“Xisbiga Kulmiye Waxa Uu Sii Hayaa Halkii Xisbigii UDUB” Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More