Xilga Ay Bilaabmayso Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare Ee Gobolada Woqooyi Oo La Shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Somaliland ayaa soo saaray Jadwalka doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in diiwaan-gelinta Musharaxiinta Xildhibaanada Aqalka Sare ee Somaliland ayaa bilaabaneyso 23-ka bishaan oo berrito ku beegan, halka tababar loo furayo Ergada dooraneysa Xildhibaanada 26-ka September.

Guddiga ayaa Jadwalka ay soo saareen ku caddeeyay in Musharaxiinta Xildhibaanada ay khudbadahooda jeedin doonaan 27-ka Sep, waxaana Guddiga uu shaaciyay in doorashada Aqalka Sare ee Somaliland ay bilaabaneyso 28-ka bishaan, lana soo gaba-gabeynayo30-ka September 2021.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Mahdi Guuleed ayaa shalay Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Somaliland u gudbiyay Ra’iisul Wasaare Rooble.

Related posts

Ciidamada Ruushka Oo Isku Hareereeyay Magaalo Ku Taalla Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Faransiiska Oo Reer Yurub Uga Digay Ku Tiirsanaanta Maraykanka Iyo Qobodo Kale

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta Xukuumada Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Safiirka Midowga Yurub Ee Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More