Dowladaha Soomaaliya Iyo Kuwait Oo Ka Wada-Hadlay Arrimo Muhiim Ah

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamaiga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay dhiggiisa dalka Kuwait Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, kaasi oo ay diiradda ku saareen xoojinta xiriirka labada dal.

Labada Wasiir ayaa isla soo qaaday habka ugu haboon oo loo sii xoojin karo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada shacab iyo sidoo kale iskaashiga sidii loo hormarin lahaa dano wanaaga dhinacyada ganacsiga.

“Waxaan isla qaadanay muhiimada ay leeyahay sii xoojinta walaaltinimada ka dhaxeysa labada shacab iyo labada dowladood waana isku fahanahay aririntaasi ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar.

Kulan ayaa ka dhacay dalka Mareykanka kadib markii ay Magaalada New York uga qeyb galeen Kal-fadhiga 76 -Aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Magaalada Boosaaso Oo Maanta Laga Dhaqan Galiyay Qaadashada Lacagta Shilin Somaliga

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Shariif:- Madaxwayne Wixii Hore Waan Ka Cafinee Doorashada Banaanka Soo Dhig

Bnnstaff Bnnstaff

Erdogan Oo La Kulankiisii Putin Ku Ogaaday Go’aan Lama Filaan Ah Oo Ku Saabsan Dagaalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More