Xeer Ilaalinta Ethiopia Ayaa Sharci Kasoo Saartay Isticmaalka Baraha Bulshada.

“Si xun u isticmaalka warbaahinta bulshada waxay keeneysaa ciqaab sharci ah”, ayaa lagu sheegay war kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Federaalka Ethiopia.

“Baahinta Hadalka Nacaybka ah iyo Baahinta Xogta aan sugnayn ayaa lagasoo saaray sharci si looga mamnuuco dadka isticmaala baraha bulshada inay faafiyaan wararka been abuurka ah iyo hadalada naceybka ah”, sida ay sheegtay dacwad ooge Yesewzer Abebe, Agaasinka wacyigelinta sharciga iyo tababarka.

Waxay sharaxaad ka bixisay in kuwa ku kiciya hadalada naceybka ah iyagoo adeegsanaya war baahin, daabacan ama baraha bulshada ama qaabab kale oo lamid ah ay wajihi doonaan 2 sano oo xadhig ah iyo ganaax lacageed oo gaadhaya ilaa 100 Kun oo Birr.
Haddii hadalka neceybka kiciyay dartiis, shakhsiyaad ama koox dad ah wax lagu yeelo, waqtiga xabsigu wuxuu gaadhi karaa ilaa 5 sano.

Qof kasta oo ku faafiya warar been abuur ah ku goobaha shirarka dadweynaha,warbaahibta,BarahaB
Bulshada ama qaabab kale oo la mid ah iyadoo la adeegsanayo sawirro, qoraal ama muuqaal, waxaa lagu xukumayaa 1 sano oo xadhig ah ama ganaax dhan 50,000 oo Birr.

“Haddii xog uu faafiyay qof adeegsada baraha bulshada oo ay ku xidhan yihiin 5,000 oo qof isla markaana fariinta uu faafiyay waxyeelo geysatey, isaga ama iyadu waxaa lagu xukumayaa min 2 sano ilaa 4 sano oo xadhig ah,” ayaa lagu sheegay warka kasoo baxay xafiiska Xeer ilaalinta Ethiopia.

Related posts

Dowlada Itoobiya Oo Digniin Kama Dambays Ah U Diray Ireland Iyo Sababta Digniintaasi

Bnnstaff Bnnstaff

“Madaxwaynuhu Waxay Ahayd In Uu Daraawiishtiina Uu U Yeedho” Siyaasi Cali Cantar

Bnnstaff Bnnstaff

” Sirdoonbaan Ahaayoo 30 Sanno Sir Ayaan Qarinayay Ayaan Idiin Sheegayaa…..” Siyaasi Cali Warancadde.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More