Maxaa Ka Jira In Fransiisku Ka bixinayo Kursigiisa Joogtada Ah ee Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobay?

France ayaa beenisay warbixin maanta lagu daabacay wargeyska Britain ee Daily Telegraph oo sheegeysay inay kursigeeda joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee QM ay ku wareejineyso Midowga Yurub.

Wargeyska oo soo xiganaya xubin ka tirsan baarlamanka Yurub ayaa sheegay in France ay ka fakari doonto in kursigaas ay ku beddelato in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay taageeraan dhismaha Ciidan Yurub ah, iyo isbeddel lagu sameeyo habka ururka u diyaariyo siyaasaddiisa arrimaha dibedda.

“Waxaan si rasmi ah u beenineynaa arrintan. Kursiga waa keena, wuxuuna ahaan doonaa sidaas,” waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay madaxtooyada Fanarsiiska.

“Waxaan Midowga Yurub ula shaqeeneynaa sida ugu badan uguna macquulsan, iyo si madax-banaani ah,” ayuu yiri afhayeenka.

France ayaa ah mid ka mid ah shan dal oo xubno joogto ka ah Golaha Ammaanka ee QM, ayada oo afarta dal ay kala yihiin Britain, China, Russia iyo Marekanka.

Faransiiska ayaa muddo dadaal ugu jiray in Midowga Yurub uu yeesho ciidan u gaar ah, oo loo diri karo goobaha dagaalka, hase yeeshee qorshahaas ayaa waxaa diidan dalal badan oo xubno ka ah ururka.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Laga Filayo In Uu Isku Shaandhayn Balaadhan Ku Sameeyo Xukuumadiisa

Bnnstaff Bnnstaff

Qaar Ka Mid Ah Madaxdhaqmeedka Beesha Dhexe Oo Isku Khilaafay Caasimada 2aad Ee Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Africa Oo Ku Baaqay Xabad Joojin Dhex Marta Ruushka Iyo Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More