Gudiga Doorashooyinka Somaliya Oo Warbixin U Gudbiyay Golaha Wadatashiga Qaranka

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada ayaa xalay Shir fogaan aragga ku yeeshay aalada ZOOM-ka.

Shirkaan oo uu guddoominaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa diirada lagu saaray habsami u socodka howlaha doorashooyinka dalka iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Madaxda ayaa isla gartay in la dardar-geliyo bilaabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana la dhameystiro doorashada Aqalka Sare oo weli maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle aysan dhameystirin.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda maamulada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa Warbixino la xiriira doorashooyinka ka dhageystay Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal.

Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro ayaa Warbixin kasiiyay Gollaha Wadatashiga Qaranka habsami u socodka doorashooyinka dalka, iyo sida loogu baahan yahay in lasoo gabagabeeyo kuraasta hadhsan ee doorashooyinka Aqalka Sare.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS, iyadoo lagu salaynayo Jadwalkii ay hore u usoo saareen Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer Federaal.

Ilo ku dhow dhow shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa sheegaya in inta uu socday Shirka Golaha la isku soo hadal qaaday in shir isugu yimaadaan, balse lama go’aamin waqtiga rasmiga ah uu qabsoomi doono shirkaas.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Wararkii U Dambeeyay Ee Maanta iyo Xidhiidhka Somalia iyo Kenya Oo Go’ay iyo Wararkale Oo Xiiso Leh

Mustafehaji

Dowladda Somalia Oo Amartay In La Joojiyo Qorista, Dhoofinta Shaqaale Ama Xoogsato

Bnnstaff Bnnstaff

Iraan Oo Samaystay Markab Diyaaradaha Xambaara Fariina U Diray Maraykanka Iyo Qodobo Kale

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More