Mareykanka Iyo Faransiiska Oo Wada Qorshe Lagu Soo Afjarayo Khilaafka Taagan

Faransiiska iyo Mareykanka ayaa dadaal u galay sidii loo soo afjari lahaa khilaaf soo billowday isbuucii hore iyadoo lagu dhawaaqay heshiiska difaaca Aukus ee u dhexeeya Mareykanka, UK iyo Australia.

Heshiiska ayaa waxaa ka carooday Faransiiska ka dib markii uu meesha ka baxay heshiis qiimihiisu gaaraya $ 37bn (£ 27bn) si Australia loogu sameeyo gujisyo badda hoosteeda mara.

Paris waxay sheegtay inay ogaatay saacado uun ka hor shaacinta heshiiska.

Madaxweynayaasha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa hadda soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku sheegayaan in xaaladdu lagu dejiyo wada -tashiyo furan oo dhex mara xulafada.

Joe Biden iyo Emmanuel Macron ayaa taleefanka ku wada hadlayay nus saac Arbacadii. Labada hogaamiye ayaa sidoo kale ku kulmi doona Yurub dhammaadka bisha soo socota.

Related posts

In Ka Badan 100 Qof Oo Ku Dhimatay Dagaalka Soomaalida Iyo Canfarta Iyo Wararkii Igu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Qoor qoor Iyo Safiirka Turkiga U Jooga Soomaaliya Oo Kulmay Iyo Arimaha Ay Ka Wadahadleen

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Madagaskar Andry Rajoelina Oo Ka Badbaaday Isku-Day Dil

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More