Ciidamada Amaanka Puntland Oo Xidh Xidhay Dad Doonayay In Ay Soo Dhaweeyaan Wasiirka Qorshaynta Somaliya

Ciidamada Ammaanka Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa ay Maanta xidh xidheen dad doonayay inay soo dhaweeyaan Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo halkaasi gaaray.

Ciidamada ayaa markii hore waxaa ay dadka ku celiyeen banaanka Garoonka, waxaana dadka la xidhay ay ahaayeen kuwo doonayay inay garoonka soo galaan.

Muuqaalo la soo dbigay Baraha Bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Puntland oo qoor qabanaya qaar kamid ah dadka soo dhaweynta ka qeyb geli lahaa , iyaga oo saarayay Gaadiidka nooca dagaalka ah.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo ay galbinayeen Gaadiid dagaal iyo dadweyne kale soo dhaweeyn loogu sameeyay Magaalada dhahar ee Gobolka Sanaag.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Macluumaadkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaalka Arminiya Iyo Azerbijaan

Bnnstaff Bnnstaff

Maxamed Abiib Oo Ka Dareen Celiyay Guushiisa Una Mahad Celiyay Dadkii U Codeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

“Soomaaliya Lama Kala Gooynayo Cid Aqoonsaneysa Gobal Ka Tirsan Soomaaliyana Ma jirto” Madaxwayne Farmaajo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More