Nin Loo Heysto Khiyaanadii Ugu Xumeyd Ee Soo Martay Taariikhda Cayaaraha Adduunka

Qofka kaliya ee si sharci ah mas’uul uga ah kooxda kubbadda koleyga ee khiyaantay indhaha caalamka islamarkaasina ku guuleystay biladda dahabka ee ciyaaraha dadka naafada ee Paralympic -ga loo yaqaanno kuwaas oo ka qabsoomay magaalada Sydney sanadkii 2000, ayaa hadda beeniyay inuu wax ka ogaa qorshahaas.

Ninkan ayaa hadlay markii ugu horreysay tan iyo markii xukun lagu riday sanadkii 2013, wuxuuna sheegay in eedeymaha loo soo jeediyay ay ahaayeen “wax aan macquul ahayn oo aan sal iyo raad toona lahayn”.

Dadka cayaaraha falanqeeya ayaa waxay arrintan ku tilmaameen khiyaanadii ugu darnayd ee soo martay taariikhda ciyaaraha. Kadib markii ay soo baxday in keliya ay laba ka mid ah koox idil oo ka kooban 12 ciyaartoy ay dhab ahaantii naafo ahaayeen.

Fadeexaddan ayaa horseedday in gebi ahaanba laga mamnuuco ciyaartooyda naafada Paralympics -ka sanadihii 2004 iyo 2008, taasoo burburisay shaqooyinkii kumannaan qof oo cayaaraha oo adduunka ah.

Ninkan ayay maxkamadda Spain ku heshay inuu “hindisay oo fuliyay” qorshihii lagu shaqaaleysiinayay dhalinyaro karti badan oo kubbadda koleyga ah oo aan naafo ahayn, Fernando Martín Vicente, oo markaasi ahaa madaxa ciyaaraha dadka naafada ah ee Spain

Markii uu aqbalay mas’uuliyadda khiyaanada waxaa lagu ganaaxay lacag dhan 5,400 euro (£ 4,600), waxaana sidoo kale laga tuuray dacwadaha 18 eedeysane oo kale, oo ay ku jiraan 10 -ka qof ee Paralympians -ka been abuurka ah.
Laakiin qoraalkiisii ugu horreeyay ee dadweynaha ee ku saabsan fadeexadda tan iyo dacwadaha maxkamadda ee 2013, Fernando Martín Vicente wuxuu BBC-da u qoray warqad ka kooban saddex bog oo uu ku beeninayo inuu wax lug ah ku lahaa.

Sidee loo sameeyay qorshahaas? Yaa dhiirri geliyay? Waa maxay dhakhaatiirta ama xirfadleyda naftooda u amaahiyey waxaas oo kale? Daacadnimo haddaan u hadlo,runtii ma aqaan, “ayuu yidhi

Waxaa uu sheegay in masuuliyadda uu isaga qaatay sababtuna ay tahay inuu ahaa maamulaha ciyaaraha dadka naafada ee Feddi, balse waxa uu intaasi ku daray in uu ka mid yahay aasaasayaasha cayaaraha dadka naafada dunida ee loo yaqaanno Paralympics-ka ka dib markii gabadhiisa laga helay curyaannimo maskaxeed oo aad u daran markay ahayd ilmo, saas awgeedna waxaa uu sheegay in eedeymaha isaga loo soo jeediyay ay yihiin “wax aan macquul ahayn oo aan sal iyo raad toona lahayn”.

Waxaa la isku raacsanayahay in Fernando Martín Vicente, uu hormuud uu ahaa in la bilaabo ciyaaraha dadka naafada ee dunida markii ugu horreysayna waxaa lagu qabtay magaalada Atlanta sanadkii 1996-dii iyadoo markii xigtayna la qabtay sanadkii 2000.
Si kastaba ha ahaatee, Miguel Sagarra, oo ah xoghayaha guud ee Guddiga Paralympic -ga Spain oo horkacayay baaritaanka qishka lagu sameyay sannadkii 2000, ayaa ka biyo diiday isku daygii Fernando Martín Vicente ee ahaa inuu iska leexiyo eeddaha loo soo jeediyay.

“Suurtagal ma aha,” ayuu leeyahay. “Qof kasta oo yaqaan Fernando Martín wuxuu dhihi lahaa 100% waa wax aan macquul aheyn in ay dhici lahayd isaga oo aan ogeyn.”

Wuxuu intaas ku daray: “Eedeyntu waxay ahayd mid aad u culus. Xaakimku warbixintiisii ugu dambeysay wuxuu ku sheegay in wax walba lagu sameeyay amarrada iyo tilmaamaha Fernando Martín.”

Related posts

Wajigii Labaad Ee Talaalka Covid 19 Oo Laga Bilaabay Deeganada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Waraaqda Iscasilaadiisa U Gudibiyay Muuse Biixi

Bnnstaff Bnnstaff

Afghanistan:- Dad Ka Badan 25 Qof Oo Ku Dhintay Qaraxyo Xoogan Oo Ka Dhacay Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More