Qarax Ka Dhacay Agagaarka Madaxtooyada Somaliya Iyo Faahfaaho Ka Soo Baxaya

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax Is-miidaamin ah oo ka dhacay Isgoyska ceel-gaabta ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho  gaar ahaan Iridka hore ee laga galo Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxaas ayaa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo weli noociisu la aqoonsan, isla markaana waxaa uu ku dhex qarxay gaadiid taagnaa Barta koontarool ee lagu hubiyo gaadiidka gala Xarunta Madaxtooyada.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo gaaray Askar iyo dad shacab ah oo ku sugnaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana jugta qaraxa siweyn looga maqlay inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sawirro la soo qaaday ayaa muujiyay burbur gaaray gaadiidkii taagnaa Barta Koontarool iyo Mooto Bajaajyo mararay wadada Isgoyska Ceeb-gaabta, iyadoona dab xoogan uu qabsaday gaari nooca raaxada ah oo loo maleynayo inay dad saarnaayeen.

Sidoo kale goobta ayaa waxaa gaaray gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir oo demiyay dabkii ka dhashay qaraxa, waxaana tegay gaadiidka gurmadka deg dega ah lagu daad-gureeyay dad dhaawacyo kala duwan soo gaareen

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku gadaamay aaga uu qaraxu ka dhacay,, iyagoona xiray wadada, isla markaana waxaa halkaas loo ogyahay oo kaliya gaadiidka gurmadka sameeynayo iyo kuwa Booliska.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Shirka Iskaashiga Dowladaha Masar Iyo Jabuuti Oo Maanta Furmaya

Bnnstaff Bnnstaff

Afar Tiir Oo Uu Ku Dhisan Yahay Wada-Xaajoodka Ku Saabsan In Soomaaliya Ay Ku Biirto Ururka Bariga Afrika Ee EAC

Bnnstaff Bnnstaff

Ukraine Oo Burburisay Markab Weyn Oo Dowladda Ruushka Leedahay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More