Borama News Network

Cajiiib! Gabadh Uu Dhalay Madaxwayne Dal African Ah Oo Ilaahay Ka Baryayasa Nin Ay Nolosha La Wadaagta

Gabadha uu dhalay madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, oo lagu magacaabo Charlene Ruto, ayaa waxaa muuqaal iyada oo nin Alle ka baryaysa xilli ay ku sugneed goob lagu cibaadeysto.

Warkaas ayaa hadal hayn baahsan ka dhalisay baraha bulshada iyo fagaarayaasha laysugu yimaado ee dalka Kenya.

Gabadha madaxweynaha dalka kenya ayay warbaahintu aad uga hadashay kadib markii ay ka duceysatay baadiriga caanka ah ee uu dhashay dalka Maraykanka Beni Hini oo ku sugnaa munaasabad ka dhacaysay magaalada Nairobi si uu Ilaahay nin u siiyo.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ku sugnaa marwada koobaad ee dalka Kenya Rachael iyo sidoo kale xaaska madaxweyne ku xigeenka dalka marwo Dorcas.
Baadariga ayaa ka codsaday kuwa raba in loo duceeyo in ay safka hore yimaadaan, gabadha madaxweynaha ayaana kasoo kacday kursigii ay ku fadhiday iyada oo dhanka hore timid.
Waxay sheegtay in ay rabto in loo duceeyo iyadoo sheegtay in shaqo arrimaha dhallinyarada la xidhiidha ay leedahay. Baadariga ayaa u duceeyay, weyddiiyayna haddii ay arrin kale oo gaar ah ay rabto in loogu duceeyo.

Dhegtiisa ayayse arrin gaar ah si hoose ugu sheegtay intuuna sii wadan u duceynta. “ Sii nin fiican [Eebbow] oo oofiya waxay rabto, usoo dir [Ilaahayoow] mid da’ayar, oo tamar siiyaa, si weyna u taageera,” ayuu Benny Hin ku duceeyay

“Keligeed wax ma samayn karto, Eebboow, furin dagaal ayay aadaysaa si’ay quluubta dadka ugu guuleysato… Si degdeg ah bayna nin ugu baahantahay.” Isagoo sii wata ducada ayuu hadalkaas yiri baadarigu.

Ducadan oo aad saxaafaddu uga hadashay ayay dadku siyaabo kala duwan ugu falceliyeen, kuwo waa ay ku maadsadeen, kuwo way dhaleeceeyeen, kuwana dalab guur ah ayayba gabadha usoo jeediyeen.

“Magacaygu waa Omwamba, waxaan ahay nin xamaasha [oo shaqaysta] waxaana kuulasoo xidhiidhayaa kadib markaan arkay ducadaadii qalbitaabadka ahayd ee aad ku dalbanaysay nin [ku guursada] kulankii baadari Benny Hin. Waxaa isoo jiitay, iimaanka iyo dabacsanida aad muujisay shalay Ilaahay baana iisoo kaa diray,” ayuu yidhi qof qoraal ku soo daabacay barta X, ee horay loo oron jiray Twitter.

Dadka, kuwo qaar way taageereen go’aanka gabadha waxayna sheegeen wax khaldan in ayna samaynin.

“Wax ka khaldan maleh Charlene Ruto, in ay weyddiisato baadari Benny Hinin in uu nin fiican in ay hesho ugu duceeyo. Guurku waa wax barakaysan,” ayuu ku daabacay qof kale barta X.
“Waan fahmayaa waxay Charlene u weyddiisatay ducada baadari Benny Hin si ay nin fiican u hesho, marka la fiiriyo meesha ay joogto iyo helitaanka qofkii saxda ahaa waa mid adag, ma garankartid qofkaasi in uu jacayl dartiis kuusoo raadsanayo iyo in uu kuusoo doonanaayo keliya in aad tahay gabadhii madaxweynaha,” ayuu qof kalena soo dhigay barta X.

Waxay qeexday rejadeeda ay ku rabto hanuun xaga sare ah, iyo helitaanka lamaane taageera oo jidka toosan la qaada si’ay saamayn wanaagsan ugu yeelato jiilasha koraya, dedaalada ay wax kaga qabanayso arrimaha dhallinyarada ku taageera oo ku garab jooga howlaheedda.

gabadha madaxweynaha Kenya ayaa horay marar kala duwan hadal hayn uga abuurtay baraha bulshada. Kol sii horeysya ayaa waxaa hadal hayn dhaliyay xafiis la sheegay in uu ku leedahay madaxtooyada dalka, kaas oo ay dad badan si taban uga falceliyeen.

Related posts

”In Dhowr Iyo Toban Sano Aan Dastuur Daba Taagnaano Ma’ahan, Waa In Aan Isbedel Samaynaa’.Raysal Wasaare Xamde Bare

Abdiaziz Bnnstaff

Labo Duuliye Oo Seexday Xili Ay Ku Gudo Jireen Duulimaad Toos Ah Iyo Saday Wax Udhaceen

Abdiaziz Bnnstaff

” Doorasho Inay Dhacdaa Waa Qasab ” Suldaan Xasan Oo Shaaciyay In Ay Qasab Tahay In Ay Doorasho Ka Dhacdo Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff