Taliban Oo Fagaare kusoo Bandhigay Dad ay Dileen Meydadkooda.(Sawiro)

Taliban ayaa meydadka afar qof ku soo bandhigay goob fagaare ah oo ku taalla magaalada galbeedka dhacda ee Herat.

Meydadkan ayay ka soo laalaadiyeen goob si digniin ay ugu diraan kooxaha wax afduubta, afarta qof ee la dilay ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen falal afduub ah.

Raggan meydadkooda lasoo bandhigay ayaa la dilay kadib markii ay rasaas isweydaarsadeen iyaga iyo Taliban, waxaana lagu eedeeyay inay qafaasheen nin ganacsade ahaa iyo wiilkiisa, sida saraakiisha gudaha ay sheegeen.

Mid kamid ah meydadka laga soo laalaadiyay wiish gudaha magaalada si farriin loogu diro kooxaha dadka afduubta.

Dhacdadan ayaa imaaneysaa xilli sarkaal sare oo ka tirsan Taliban uu sheegay in ciqaab xad dhaaf ah sida dil iyo gacan goyn ay ka billaaban doonaan Afghanistan.

Related posts

Mareykanka Oo Cunoqabateyn Ku Soo Rogay Taliyaha Ciidamada Eritrea Iyo Sababta

Bnnstaff Bnnstaff

Maamulka Jubaland Oo War Ka Soo Saaray Shirkii Uu Ku Baaqay Madaxwayne Farmaajo

Bnnstaff Bnnstaff

Mareykanka Oo Digniin Culus U Diray Muwaadiniintiisa Ku Sugan Gudaha Dalka Ethiopia

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More