Ciidamada Yuhuuda Oo Weerar Ku Laayay Dad Shacab Ah Oo Falastiiniyiin Ah

Ugu yaraan afar Falastiiniyiin ah ayay ciidanka Israa’iil ay ku dileen aagga Jenin iyo Qudus ee Daanta Galbeed ee la haysto,ka dib markii ay halkaasi ka fuliyeen weerarro milateri.

Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Falastiin Mohammad Hleil, ayaa u xaqiijiyay Al Jazeera dilka saddex qof oo Falastiiniyiin ah oo ka yimid tuulada Biddu oo dhacda waqooyi -galbeed ee Qudus, waxaana magacyadooda lagu sheegayAhmad Zahran, Mahmoud Hmaidan iyo Zakariya Badwan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale dilay qof deggan tuulada Burqin oo dhacda koonfur-galbeed magaalada Jenin,kaas oo isna lagu magacaabi jiray Osama Soboh oo 22-jir ahaa.

Wakaaladda wararka Falastiin ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay weerareen Burqin iyo Beit Anan,halkaas oo ay ku dileen laba ruux.

Iska hor imaadyo ayaa dhexmaray Falastiin iyo ciidamada Israa’iil,waxaana la sheegay in sidoo kale ciidamadaasi ay dhaawaceen shan ruux.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dawladda Ruushka oo Ka Digaysa Khatar Dagaal oo Aan Horrey Loo Arag

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaaraha Cusub Ee Somaliya Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirada Beesha Caalamka U Fadhiya Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Shirwayne Lagaga Arinsanayo Dagaalka Ka Dhanka Ah Kooxd Daacish Oo Ka Furmay Talyaaniga

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More