Dad Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Faransiiska

Sida ay warinayso warbaahinta dalka Faransiiska waxaa geeriyootay shan ruux, kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo yar-yar.

Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay koonfur bari magaalada Tours xilli ay ku beegneyd tobankii iyo barkii saacadaha maxaliga ah ee wadankaas.

Shaqaalaha deg dega ah, oo ay qayb ka yihiin 50 dab-damis ayaa looga yeeray goobta uu shilka ka dhacay.

Lama sheegin ruux kale oo wax ku noqday markii ay soo dhaceen labada diyaaradood. Balse khasaaraha nafeed ee ka dhashay shilkaas ayaa ku ekaa shanta qof ee geeriyootay.

Illaa iyo haatan lama sheegin waxa sida rasmiga ah u sababay shilkaas diyaaradeed

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Diig Dilay Sargaal Sare Oo Boolis Ah Iyo Qaabka Uu U Dilay

Bnnstaff Bnnstaff

Maxay Golaha Muslimiinta Faransiiska Ka Yidhahdeen Hadalka Madaxwayne Erdogan?

Bnnstaff Bnnstaff

Shacab Cadhaysan Oo Banaan-bax ka Dhigay Magaalada Muqdisho Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More