Dowlaha Soomaaliya Iyo Turkiga Oo Ka Wada Hadlay La-Dagaalanka Al-Shabaab

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukumadda Soomaaliya ahna Senator-ka la doortay Xasan Xuseen Xaaji ayaa ku qaabilay xafiiskiisa u qeybsanaha arimaha Ciidanka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Saraakiishan ayaa ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka iskaashi ee dhanka Milatariga ee ka dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.

Wasiirka Wasaaradda Gashaandhigga ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay dadaalka dhismaha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo taageerada aan kala joogsiga laheyn oo ay siiso.

Saraakiisha ka socotay dowladda Turkiga ayaa dhankooda sheegay inay sii laba jibaari doonaan tababarka iyo qalabeynta Ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira Ufurka Al-Shabaab.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana sanad kasta ay tababar iyo qalabeyn ay siisaa Boqolaal askari oo ka tirsan Ciudamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaare Abiy Ahmed Oo Ku Adkaystay Fulinta Talaabada Milatari Ee Ka Dhanka Ah Tigrayga

Bnnstaff Bnnstaff

Soomaaliya Oo Ka Qeyb Gashay Shirweynaha Iskaashiga Ganacsiga Afrika Iyo Hindiya

Bnnstaff Bnnstaff

Cajiib:- Xogo Yaab Leh Oo Laga Helay Haro Mucjiso Lagu Sheegay Ku Taala Dalka Hindiya

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More