Muwaadin Soomaali Ah Iyo Gabadh u Shaqeyneysay Oo Weerar Lagu Dilay

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd deegaan hoostega Magaalada Tzaneen oo ku taalla Gobalka Limpopo ee dalkaas ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada kunool Koonfur Afrika.

Muwaadinka oo magaciisa lagu soo gaabiyey Axmed ayaa waxaa lagu toogtay degaan lagu magacaabo Ga-mawa Block 7 oo 57,2 KM u jira Magaalada Tzaneen ee ku taalla Gobalka Limpopo ee Koonfur Afrika.

Muwaadiniin Soomaali ah oo goobta uu falku ka dhacay ka Agdhawaa ayaa tilmaamay in Axmed lala dilay Gabar Koonfur Afrikaan ah oo u shaqeyneysay, waxaana weerarka lagu dilay labadooda uu ka dhacay afaafka hore ee goob Ganacsi oo ay lahaayeen.

“Dukaanka waa ay dheceen, waana carareen, Ciidamada Booliska ayaana Baaritaano wada hadda” ayuu yiri Axmed Cismaan oo kamida Ganacsatada Soomaaliyeed ee degan halka weerarka ka dhacay, waxaana xusid mudan in falkaas uu ka badbaaday Wiil kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Koonfur Afrika ayaa durbo tagay halka uu dilka ka dhacay, iyagoona sheegay inay wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan raggii ka dambeeyay falkaas oo durbadiiba goobta isaga baxsaday.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal dilal iyo boob loogu geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaas ku leh goobaha Ganacsi, mana jirto cid iska xirtay sidii wax looga qaban lahaa dilalka loo geysanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaas kunool.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowladda Imaaraadka Carabta Oo Balan Qaaday In Ay Gurmad Gaarsiin Doonaanta Deegaannada Lagala Wareegay Alshabaab

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Gobolka Banaadir Oo Soo Bandhigay Shaqsiyaad Ku Eedeysan Burcadnimo

Bnnstaff Bnnstaff

Abaarta Ka Jirta Soomaaliya Oo Kasii Dareysa Maalinba Maalinta Ka Danbeysa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More