Diyaarada Dalka Kenya Oo Mar Kale Duqaymo Culus Ka Fuliyay Deegaano Ka Tirsam Gobolka Gedo

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa saaka waxaa ay duqeymo culus ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dadka ku nool tuulooyin hoostaga degmada Ceelwaaq ayaa waxaa ay sheegeen in saaka waaberigii hore ay ku bilaabatay duqeynta, waxaana degaannada la duqeeyay kunool dad Reer Miyi Xoolo dhaqato ah.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in duqeynta ay ku dhaawacmeen dad rayid ah sidoo kale lagu baabi’iyay Xoolo ay lahaayeen dadka Reer Guuraaga ah.

Todobaadkaan waa markii Saddexaad oo Ciidamada Kenya ay duqeyn ka fuliyaan degaannada hoostaga degmada Ceelwaaq, waxaana weli ka hadlain laamaha Amniga degmada iyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Baarlamaanka Kenya Oo Feedh Isla Dhacay Xili Ay Ka Doodayeen Xeerka Xisbiyada Ee Dalkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Kulmiye Oo Wacdaro Ka Dhigay Bandhiga Buuga Waji Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

Bnnstaff Bnnstaff

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Oo Ka Socda Magaalada Baasaaso Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More