Waa Kuma Fanaanka Somaliyeed Ee Gilgilay Mashraxyada Dalka Maraykanka?

Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa muusikada ku soo biirineyay nolosha carruurta ee degmo ka tirsan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka oo loo yaqaan “Muqdishada yar oo ku taal Mississippi” si ay uga caawiso barashada luqadda iyo dhaqanka dalkooda hooyo.

Aar Maanta, oo caadiyan fadhigiisu yahay London, wuxuu arkay baahi degdeg ah oo loo qabo in afka Soomaaliga la lagu beero nolosha carruurta, oo qaarkood ku dhashay Mareykanka oo aysan ku hadli karin afkooda hooyo.

“Markii uu wiilkaygu dhashay waxaan raadinay luuqadaha Soomaaliga waxaanana ogaanay inaysan jirin in la heli karo. Waxa kaliya ee aan haystay waxay ahaayeen xusuusteyda,” ayuu yiri. “Taasi waxay igu dhalisay inaan bilaabo mashruucan.”

Erayada qaarkood ee heesaha waxaa qorey carruurta Soomaaliyeed oo qaarkood ay da’doodu tahay siddeed jir.

“Madaxweyne sidaa u doqonsan walaalkeeyga yar ayaa qaadan kara go’aano kuwiisa ka wanaagsan”, waa hal sadar. Waxaa jirta qeyb kale oo ku saabsan xijaabku oo ah in uu yahay “sida taaj Islaamka inkastoo ay jiraan” su’aalo ay ka mid yihiin: “Miyaadan kululaan xilliga cimilada xagaaga?”

Carruurtan ayaa ku nool xaafadda Cedar -Riverside ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka – oo ah deegaan ay ku nool yihiin Soomaali aad u badan.

Heesahooda ayaa la sii daayay bishan kuwaas oo lagu tilmaamay “albumkii ugu horreeyey ee ku soo baxa labada luqadood ee Ingiriisiga iyo Soomaalida ee muusigga adduunka”.

Waxaa loogu yeeraa Ubadkaa Mudnaanta Leh.

Mashruucan waxaa maalgeliyay The Joyce Foundation, oo taageerta fannaaniinta midabka ee gobolka Great Lakes ee Mareykanka.

Fannaanka Xarunta Dhaqanka ee Cedar ee Minneapolis Aar Maanta wuxuu doonayay in carruurtu “ku raadiyaan nabadda heesaha”, si ay u adeegsadaan muusigga oo ay wax uga qabtaan caqabadaha socdaalka, xagjirnimada iyo xiisadda magaalada gudaheeda

Bbc Somali

Related posts

Afhayeenada Xisbiyada Kulmiye Wadani Iyo Ucid Oo Weerar Afka Ah Iswaydaarsaday

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Fadaraalka Oo U Jawaabtay Siyaasiyiinta Mucaaridka Ah Sharci Darona Ku Tilmaamtay Go’aankii Ay Soo Saareen

Bnnstaff Bnnstaff

Dagaal Adag Oo Dhex Maray Ciidamada Dowlada Yeman Iyo Kooxda Xuutiyiinta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More