Maraykanka Oo Digniin Ka Soo Saaray Weero La Sheegay In Ay Fulinayso Alqaacida

Mark Milley, oo ka mid ah janaraallada ugu sarreeya militariga Mareykanka, ayaa ka digay in ururka argagixisada ah ee Al-Qaacida ee ku sugan dalka Afghanistan ay halis ugu noqon karaan Mareykanka wax ka yar 12 bilood gudahood.

“Taliban ma aysan jarin xiriirkii ay la wadaagayeen kooxda mas’uulka ka ah weerarkii 9/11, iyaga laftooduna wali waa argagixiso,” ayuu yiri Janaraal Milley.

Isaga iyo wasiirka gaashaan dhigga, Lloyd Austin, ayaa su’aalo lagu weydiiyay aqalka Wakiillada ee Congress-ka, si ay sharraxaad uga bixiyaan go’aankii bishii lasoo dhaafay ciidanka Mareykanka looga soo saaray dalka Afghanistan.

Dowladdii ka jirtay Afghanistan ayaa burburtay islamarkii ay Taliban si xowli ah horumar uga sameeyeen dagaalka ay dib ugu qabsanayeen waddankaas.

Senator Jack Reed oo ah guddoomiyaha guddi ka tirsan aqalka ayaa sheegay in xildhibaannada ay doonayeen inay fahmaan in Mareykanka uu fahmi waayay waxyaabo bidhaaminayay” burburka dowladda.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Banaanbax Rabshado Wata Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo Iyo Sobobta

Bnnstaff Bnnstaff

Wasaarada Deegaanka Somaliland Oo Ka Hadashay Khilaaf Ka Taagnaa Dhul Ku Yaala Duleedka Hargeysa

Bnnstaff Bnnstaff

Gudoomiye Ku Xigeenka Kawbaad Ee Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Ka Taagan Golaha Wakiilada Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More