Madaxwaynaha Dalka Turkiga Oo Kulan La Yeelanaya Dhigiisa Dalka Ruushka

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa la filayaa inuu socdaal ku tago Magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka, kadib markii casuumad uu ka helay dhigiisa Ruushka Vladimir Putin.

Sida uu qorshahu yahay labada hoggaamiye ayaa markii ay wada kulmaan ka wada xaajoon doona dhinacyada horumarka gobolka iyo xaaladda gobalka Idlib ee Suuriya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka ee Ihlas News Agency.

Labada hogaamiye ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Ankara iyo Moscow, horumarka gobolka ee hadda jira, iyo arrimaha caalamiga ah, iyadoo si gaar ah diiradda loo saari doono dhibatooyinka ka jira waddamada Suuriya, Liibya iyo Afgaanistaan.

Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ay labada madaxweyne si toos ah ugu kulmaan in ka badan mudo sanad ah.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

“Reer Kaasan Ka Soo Jeedo Laba Waran Ayaa Ku Taagan Oo Midi Waa Madaxwayne Biixi Ka Kalena” Roda Cabdi

Mustafehaji

Fahad Yasiin Oo Maanta Ka Soo Degay Magaalada Muqdisho Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxda Dowlada Fadaraalka Iyo Maamul Goboleedyadu Waxa Ay Heshiiyeen Iyada Oon Cidi Ku Dhex Jirin” Madaxwayne Qoor Qoor

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More