Dab Xoogan Oo Ka Kacay Suuq Ku Yaalla Degmo Ka Tirsan Gobolka Banaadir

Dab xoogan ayaa waxaa uu dhowr daqiiqo kahor ka kacay Suuq Boocle ee ku yaalla degmada Dharkeenley ee Gobolkaan Banaadir, waxaana haatan socda gurmadyo kala duwan oo lagu deminayo dabkaas kacay.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in dabkaan uu markii hore ka bilowday goob Ganacsi oo ku taalla Suuqa, wuxuuna dabka markii dambe uu kusii faafay goobo kale oo Ganacsi gaar ahaan qeybta Bacadlaha.

Waaxda dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo gaadiidka Shirkaddaha dab demiska ee gaarka loo leeyahay ayaa ku howlan deminta dabka ka kacay Suuq Boocle oo ah mid xoogan, lagana cabsi qabo inuu sii faafo.

Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa iyo dadweyne farabadan ayaa ku sugan aaga uu dabka kacay, isla markaana waxaa dadkaas ay ka qeyb qaadanayaan deminta dabka, welina lama oga khasaaraha hamtiyadeed ee uu dabka geystay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sacuudiga Oo Xabsiga Dhigay Boqolaal Qof Oo ay ku Jiraan Ajaaniib.

Bnnstaff Bnnstaff

Milatariga Dalka Suudaan Oo Qabtay Sargaal Sare Oo Tigreyga Ka Soo Baxsaday

Bnnstaff Bnnstaff

Sheekh Dirir Oo Ka Qayb Galay Ololaha Nadaafadeed Ee Hargeysa Laga Bilaabay Shacabkana La Hadlay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More