Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Go’aanka Itoobiya Ku Ceydhisay 7 Sarkaal Oo Shaqaalaha Qaramada Midoobay

Dowladda Itoobiya ayaa amar ku bixisay in dalkeeda laga saaro toddobo sarkaal oo oo ka tirsan Qaramada Midoobay, sidda lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadd maalinimadii shalay oo Khamiis aheyd.

Grant Leaity, ku -xigeenka isku -duwaha arrimaha bani’aadamnimada ee OCHA, iyo Adele Khodr, oo ah wakiilka UNICEF ee Itoobiya, ayaa ka mid ahaa kuwa la eryay.

Xukuumadda Itoobiya ayaa saraakiiisgaasi ku eedeeyay in ay wadeen faragalin, waxayna u aqoonsatay in ay yihiin kuwo aan u qalmin shaqada ay u hayaan Qaramada Midoobay( persona non grata).

Dowladda Itoobiya waxay amar ku bixisay in muddo 72 saac gudohood ah ay ku baxaan shaqaalahaasi ka tirsan Qaramada Midoobay .

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay in uu ka naxay cayrinta saraakiishaasi,sida uu ku waramay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephanie Tremblay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Qaraxyo Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho İyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

18 Qof Oo Ku Dhintay Gantaalo Culus Oo Uu Ruushku Ka Garaacay Deegaano Ka Tirsan Dalka Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

“Cafis Dambe Heli Mayso Cida Somaliya U Shaqo Tegtay” Siyaasi Cali Waran Cade

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More