Dagaal Khasaare Kale Duwan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxayo

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Salshig Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin degaan ku yaal duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu ymid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Sadlhiga Ciidamada Jubbaland ee degaanka Baar-sanguuni, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu ku daawacmay hal askari oo ka tirsan Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degaanka baar-sanguuni ee uu dagaalka ka dhacay.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland weli wax faah fahin ah dagaalkaas kama bixin, waxaana uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Ciidamada Nabadsugida Jubbaland holwgal ay duleedka Kismaayo ka sameeyeen ay sheegeen inay kusoo qabteen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

” Doorashadda Ururaddu Markay Dhamaato Ayuunbaa La Gali Karaa Ta Madaxweynaha” Xil.ku Cadeeye

Bnnstaff Bnnstaff

Warbixin :- Magaalada Qadiimiga Ah Ee Eyl Iyo Wariye Cabdisalaan Hereri

Kooxda Xidigaha Geeska Oo Xaqiijisay In Fanaankii Cabdi Hani Iskaga Baxay Fanka Uuna Maajidka Galay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More