Xilka Cusub Ee Kenya Ee Golaha Ammaanka Iyo Waxa Uu Uga Dhigan Yahay Muranka Badda Ee Kala Dhexeeya Somaliya

Kenya ayaa shalay la wareegtay madaxtinnimada Golaha Ammaanka ee Qamarada Midoobay, iyadoo durba soo qaban qaabisay afar munaasabado heer sare ah.

Martin Kimani oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Kenya u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay madaxtinnimada muddada halka bil ah ee Golaha, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu 12-ka iyo 28-ka bishan khudbad ka jeedin doono kulamada sare ee dhismaha nabadda iyo iskaashiga u dhaxeeya QM iyo ururro-goboleedyada.

“Madaxweynuhu wuxuu martigelin doonaa dood furan oo hal ku dhiggeedu yahay; ‘kala duwanaanta, dhismaha dalka iyo baadigoobka nabadda’ taas oo qeyb ka ah ajandaha dhismaha nabadda, sidoo kalena 28-ka October waxaa jiri doonta dood heer sare ah oo ku saabsan iskaashiga u dhaxeeya QM, ururro-goboleedyada iyo ururrada ka sii hooseeya,” ayuu yiri safiir Kimani xilli uu khudbad ka jeedinayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa iyaduna khudbad ka jeedin doonta Golaha Ammaanka 20-ka iyo 21-ka bishan, iyadoo ka hadli doonta arrimaha dagaallada iyo ku lug lahaanshaha haweenka ee nabadda iyo ammaanka.

Safiir Kimani ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay howlo kale oo ay Kenya garwadeen ka tahay oo ay ka mid yihiin booqashada dalalka Mali iyo Niger laga bilaabo October 22 ilaa 26.
Golaha ayaa sidoo kale muddadaasi qiimeyn ku sameyn doona horumarka laga gaaray howlaha nabad ilaalinta ee dalalka ay colaadaha ka taagan yihiin sida howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo UNMIS oo la aasaasay sanadkii 2005 si ay u taageerto heshiiskii Sudan iyo Suudaanta Koofureed.

Wuxuu sheegay in Kenya ay ka go’an tahay u ololeynta sharafta aadmiga, isagoo wacad ku maray in inta ay xilka heyso ay kenya sidoo kale ka hadli doonto meel ka dhaca xuquuqda aadanaha.

 

Related posts

Iiraan Oo Wacad Ku Martay Inay U Aari Doonto Khabiirkoodii Niyukleerka Ee La Dilay

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Farmaajo Oo Raysal Wasaare Rooble Ku Eedeeyay Xil Gudasho La’aan Shirna Ku Baaqay

Bnnstaff Bnnstaff

Khasaaro Ka Dhashay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Galgaduud Iyo Xiisad Ka Taagan Gobolkaasi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More