Puntland Oo War Ka Soo Saartay Dadkii Laga Masaafuriyay Magaalada Laascaanood

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta ka hadashay Dadkii ay shalay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kuwaasi oo kasii jeeda Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Baay iyo Bakool.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in duleedka Magaalada Gaalkacyo ay kusoo dhaweeyeen dad Soomaaliyeed oo farabadan oo laga soo masaafuriyey Somaliland.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in tirada dadka soo ay dhaweeyeen ay gaareyso 758 qof oo isugu jira Haween, dhalinyaro, Carruur iyo Odayaal, ayna gurmad u sameeyeen dadkaas oo kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

“Puntland waxay bannaanka Magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweysay dad Soomaaliyeed oo gaaraya 758 (tiro horudhac ah) Dadkaan oo isugu jira haween, caruur iyo rag intaba ayaa 2 October 2021 waxaa Maamulka Somaliland ka soo saareen Laascaanood” ayuu yiri Wasiirka Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Gaadiid nooca xamuulka qaado ah oo siday dadka ay Somaliland kasoo masaafurisay Laascaanood ayaa saakay gaaray duleedka Gaalkacyo, waxaana dadkaas loo sameeyay gurmad, iyagoona la siiyay cunto iyo daawooyin, isla markaana ka mahadceliyay.

Dadka ay Somaliland kasoo masaafurisay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa eedeysay falal amni darro ah oo muddooyinkii dambe ka dhacaayay Magaaladaas oo geysteen rag hubeysan oo aan qeybtooda la garan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

“Farmaajo İyo Madaxda Maamul Gobileedyada Waan La Kulanay Runta Waan U Sheegnay” Dyniyo Maxamed

Bnnstaff Bnnstaff

Amisom Oo Shaacisay In Ay Maxkamadaynayso Ciidamadii Dadka Ku Laayay Shabeelaha Hoose

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Xamsa Iyo Farmaajo Oo Ku Kulmay Dalka Qatar Iyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More