Raysal Wasaare Rooble Oo Ka Hadlay Dadkii Laga Masaafuriyay Laascaanood Fariina Diray

Ra’iisul Wasaaraha Xuluumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadii dad Soomaaliyeed si qasab ah looga soo masaafuriyay degmada Laascaanood, falkaas oo uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa bulshada Laascaanood ugu baaqay in ay ka dhiidhiyaan falkaas miwaadiniin Soomaaliyeed looga saaray dhul Soomaaliyeed tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid ceeb ah.

Horay waxaa falkaasi Ciidamada Somaliland kusoo masaafuriyeen dad kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka hadlay, Maamulka Koonfur Galbeed, Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta mucaaradka.

Dadka Soomaaliland ay kasoo musaafurisay Magaalada laas-caanood oo gaaraya in ka badan 700 oo Ruux ayaa waxaa ay soo gaareen Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, waxaana soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

HADDA OGOW:- Qabiilada ay kasoo jeedaan Xubno Gollaha Wasiiradda ee Ismaamulka Dawlad Deegaanka Soomaalida.

Bnnstaff Bnnstaff

Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Diidmada Soomaaliya Ee Wakiilkii Midowga Afrika

Bnnstaff Bnnstaff

Heshiiskii Colaada Somalida Iyo Canfarta Oo Lagu Soo Gabagabeeyay Magaalada Adis Ababa

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More