Dowlada Turkiga Oo Si Cadho Leh Uga Hadashay Heshiis Ay Wada Galeen Faransiiska Iyo Giriigu

Turkiga ayaa si caro leh uga jawaabtay heshiis hub oo balaayin dollar ah oo ay saxiixdeen France iyo Greece, ayada oo ka digtay inuu halis gelin doono xasilloonida gobolka.

France iyo Greece ayaa Talaadadii tagtay saxiixay hesiis is-afgarad oo Athens ay Paris uga iibsaneyso saddex maraakiib dagaal, kaasi oo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku qeexay inuu xoojin xooggan u yahay himilooyinka difaaca Midowga Yurub.

Hase yeeshee, Turkey oo xiriir aan wanaagsaneyn la leh dalka ay ka wada tirsan yihiin NATO ee Greece, ayaa cambaareysay heshiiska kuna qeexday mid ka dhan ah Ankara.

“Hubeynta Greece iyo go’doominta iyo fogeynta Turkey, intii iskaashi lala sameyn lahaa, waa siyaasad dhibaato leh oo dhaawici doonta Greece iyo Midowga Yurub, islamarkaana halis gelin doonta xasilloonida iyo nabadda gobolka,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey.

Macron ayaa Talaadadii sheegay in iibinta maraakiibta aan loola jeedin in loo arko halis ka dhan Ankara, isaga oo ugu yeeray mid looga dan leeyahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Meditareeniyaanka, iyo sidoo kale Waqooyiga Afrika, Bariga Dhexe iyo Balkans-ka.

France iyo Greece ayaa sanadihii dhowaa yeeshay xiriir aad u dhow, halka xiriirka mid walba uu la leeyhaya Turkey uu aad u xumaaday.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Khilaafkii Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Cirka Isku Sii Shareeray Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Maraykanka Oo Ku Hungoobay Xidhiidho Uu La Sameeyay Kuuriyada Woqooyi

Bnnstaff Bnnstaff

“Wasiir Jamaal Somaliland Dagaal Badan Ayuu Ku Hayaa” Safiirka Somaliland Ee Jabuuti Amb. Cabdifatax

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More