Raysal Wasaare Rooble Oo Safar Ugu Ambabaxay Dalka Qatar Iyo Ujeedada Safarkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u dhoofay magaalada Doha ee dalka Qatar ka dib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay amiirka Qadar, Sheikh Tamim bin Xamad Al Thani,

War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Roiblebayaa waxaa lagu sheegay in ujeeddada booqashada Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa ay tahay sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa inta uu joogo Doha waxa uu kulan la qaadan doonaa Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Dowlad Qatar ayaa kamid ah dowlqdaha saaxiibada dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhammeeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar ooh hadda ay howsheedu socoto.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Maraykanka Oo Sheegay In Ay Suuro Gal Tahay In Ay Taaliban La Wareegto Dalka Afghanistan

Bnnstaff Bnnstaff

Macluumaadkii Ugu Dambeeyay Ee Kiiska Dacwada Bada Ee Somaliya Iyo Kenya Oo Maanta Bilaabmaya

Bnnstaff Bnnstaff

Booliska Degmada Sallaxley Oo Gacanta Ku Dhigay Khamri Tiro Badan

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More