Dowlada Somaliya Oo Ciidamada Harmcad Ka Dijisay Magaalada Dhuusamareeb

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa Maanta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska gaarka ah ee Haramcad, kuwaas oo laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo gaaraya ku dhawaad 200 ayaa waxaa ay ka qeyb qaadan doonaan in gacanta Maamulka Galmudug lagu soo celiyo Degmada Guriceel oo jimcihii la soo dhaafay ay la wareegeen Ciidamada Ahlusunna Waljamaaca.

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada la dejiyay qeyb kamid ah Magaalada, iyaga oo ku biiray Ciidamo dhawaan la geeyay halkaas.

Degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ka socda guluf dagaal oo ay wadaan Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ciidamada taabacsan Ahlusunna ee la wareegay Guriceel.

Hoggaanka Sare ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa waxaa ay sheegeen in aysan u socon dagaal ay la galaan Ciidamada dowladda & kuwa Galmudug balse ay la dagaalamayaan Al-Shabaab, hayeeshee mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ay sheegeen in Ahlusunna ay doonayaan inay burburiyaan Maamulka Galmudug.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ururka SOWOD Oo Deeq Raashina Gaarsiiyay Qoysaska Denyarta Ee Haysta Caruurta Baahiyaha Gaarka Qaba

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Booqday Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Oo Xanuun U Jiifa

Bnnstaff Bnnstaff

Daawo Waxa Kala Qabsaday Xildhibaan Maxamed Abiib Iyo Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More