Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Maalintii Shalay Soo Gaadhay Magaalada Borama Ee Xarunta Gobolka Awdal Kana Soo Qaybgalay Xaflada Qalinjabiinta jaamacada camuuda ayaa waxa uu xalay kulan balaadhan la qaatay hogaanka dhaqanka ee gobolka Awdal Inkastoo Ayna Kulankaasi ka soo bixin warar faahfaasani hadana warar hoose oo ay heshay BoramaNews Ayaa waxa ay sheegayaan in kalankaasi lagaga wada hadlay arrimaha masiiraga ah ee gobolka taasi oo ay hore ugu kala qaybsanaayeen hogaanka dhaqanka gobolka awdal Balse uu madaxwayne muuse biixi isku dayay in uu xal u helo kala qaybsanaanta hogaanka dhaqanka ee gobolka hase yeesha wararka aan helayno ayaa sheegay in kulankaasi aanay ka soo bixin wax natiijo ah oo laga gaadhay kala qaybsanaan hogaanka dhaqanka Awdal
Wararka Ayaa waxay intaasi ku darayaan in Suldaan Dhawal Iyo Suldaan Samatar Ay Madaxwayne Muuse Biixi u sheegeen in ayna waxba iska bedelin mawqifkoodii hore ee ahaa in gobolka Awdal Saamigiisa helo doorashada ka hor Halka Suldaan baade iyo kooxdiisuna wali ku adkaysanayaan in doorashada kadib la saxo waxayaabaha qaldan lana doono saamiga gobolka
Madaxwaynaha ayaa intaasi ka dib madaxdhaqmeedka Gobolka Awdal U Sheegay In Ay Kulamo Dambe Oo Lagaga Wada Hadlo Arimaha Xasaasig ah Wada Qaadan Doonaan
Mustafe Haji