Raysal Wasaare Rooble Oo Maanta La Kulmaya Qaar Ka Mid Ah Madaxda Dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo xalay lagu soo dhaweeyay Magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa waxaa lagu wadaa in uu Maanta kulan la qaato Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamiim Bin Hamad Al-Thani iyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Khalid Bin Khalifa Bin Cabdulcasiis Althani.

Rooble ayaa casuumaad rasmi ah ka helay Madaxda dalka Qatar , waxaana ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Qatar iyo mashaariicda ay dowladda Qatar ka waddo Soomaaliya.

Sidoo kale Xubnaha Golaha Wasiirads ee kamid ah Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhankooda waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar, iyaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan baahiyaha kajira dalka.

Dowlad Qatar ayaa kamid ah dowladaha saaxiibada dhow la ah Soomaaliya iyadoo hadda ka wadda mashaariic horumarineed oo ay ugu weyn tahay dhisamaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo la dhammeeyay iyo sidoo kale Muqdisho iyo Jowhar ooh hadda ay howsheedu socoto.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Ganacsato Bilaabay In Ay Si Qarsoodi Ah Uqubaan Alaabo Dhacay Iyo Bulshada Oo Qayli Dhaan Diray

Bnnstaff Bnnstaff

Muran Ka Dhashay Aayad Quraan Ah Oo Laga Aqriyey Shirka Baarlamaanka Carabta

Bnnstaff Bnnstaff

Xaaladda Caafimaad ee madaxweynihii hore ee Mareykanka oo laga deyrinayo

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More